Baaritaano laga sameeyay Magaalada Beledweyne.

0

Beledweyne (Hornafrik)- Ciidamada amaanka ayaa xalay ilaa iyo saakay waxaa ay baaritano ka sameeyeen xaafadaha ay ka gooban tahay Magaalada Beledweyne ee Gobalkaasi.

Baaritaanka ayaa ka dambeeyay kadib markii Bambo Gacmeed xalay lagu weeraray xabsiga Magaalada Beledweyne ee Gobalka Hiiraan.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Warbaahinta  u sheegay in Ciidamada amaanka ay dad badan soo qabteen, islamarkaana baaritaano lagu wado.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha ka dhashay Bambo Gacmeedka xalay lagu tuuray Xabsiga Magaaladaasi.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Ciidamada amaanka, kaasi oo ku aadan in ay faahfaahin ka bixiyaan qaraxa ka dhacay Magaalada Beledweyne iyo Khasaaraha ka dhashay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.