Xildhibaanada KG oo ku sii qul qulaya goobta ay ka dhacayso doorashada

0

Baydhabo (Hornafrik)-Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee Gobalka  Bay ayaa sheegaya in xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koofur  Galbeed ay ku sii qul qulayaan Hoolka ay ka dhacayso doorashada Maamulkaasi.

Amaanka ayaa aad loo adkeeyay, waxaana Gudaha hoolka ay doorashada ka dhacayso lagu arkayaa ciidamo aad fiijigan.

Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowlada FederaalkaSoomaaliya ayaa maanta kor joogto ka noqon doono doorashada Ka dhacaysaMagaalada Baydhabo, waxaana wafdigaasi ka mid ah wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya.

Hoolka ay ka dhacayso doorashada ayaa la keenay Sanduuqa codbixinta.

Shan Musharax ayaa maanta ku hardamaya xilka madaxtinimada ee maamulka Koofur Galbeed, xili ay xusid mudan tahay in musharax Mukhtaar Roobow laga reebay doorashadaasi.

Warbaahinta gudaha iyo mida caalamka ayaa isha ku haysa doorashada Maanta ka dhacaysa Magaalada Baydhabo ee Gobalka bay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.