Howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka socda Sh.Hoose.

0

Muqdisho (Hornafrik)-Wararkanaga soo gaaraya deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa aysheegayaan in Ciidamada dowladda Soomaaliya ay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wadaan Tuulooyinhoostaga deegaanka Dhanaane ee Gobalkaasi.

Ciidamada ayaa miino baaris waxaa ay ka sameynayaan tuulooyinka hoostaga deegaanka Dhanaane ee Gobalka Shabeelaha hoose, kadib markii dhawaan halkaasi laga saaray Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda iyo kan maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa u sheegay KNN in ay wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab,isla markaana ay uga saarayaan tuulooyinka hoostaga deegaanka dhanaane iyo baarista wadooyinka qaar oo Shabaab ay miinooyinka ku aaseen. deegaanada ay ka joogaan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dhawaan Deegaanada Jilib Marka iyo Gandarshe ayaa Ciidamada Dowladda ka wadaan dhaqaaqyo militari,,waxaana deegaanadaasi dhowr jeer ku dagaalamay Al-Shabaab iyo Ciidamada Dowlada Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.