Dagaal culus oo ka dhacay gobolka Bakool

0

Xudur (Hornafrik) Dagaal culus oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda Itoobiya ee ku sugan gobolka Bakool iyo dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa degaanada Rabdhuurre iyo Buurdhuxulle, waxaana ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Al-Shabaab ay wadada u galeen Ciidamo Itoobiyaan oo kusii jeeday degaanka Rabdhuure waxaana ciidanka Itoobiya la sheegay in dagaalka ka hor lala eegtay Qarax Miino.

Sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal dagaalka ayaa socday Muddo dhowr Saacaddood ah waxaana ka dhashay Khasaare.

Ilaa iyo Hadda si rasmi looma xaqiijin karo Khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalka,Maadaama Ciidanka Itoobiya ay dag tahay in laga helo xog ku aadan Khasaaraha soo gaaray.

Al-Shabaab ayaa gacanta ku haaya degaano ka tirsan gobolka Bakool, waxaana inta badan ay weeraro ku qaadan Ciidanka Itoobiya iyo kuwa dowladda Soomaaliya xilliyadda ay marayaan wadooyinka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.