Biyo la’aan ka jirto deegaano ka tirsan Galgaduud.

0

Muqdisho (Hornafrik)-Wararka imaanaya Deegaano ka tirsan Gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in shacabka ku nool deegaanada ay biyo la’aan ku haysato Gobalkaasi.

Deegaanka ay biyo la’aanta ka jirto ayaa waxaa lagu magacabaa deegaanka Gadoon, waxaa uuna hoostagaa Gobalka Galgaduud.

Cabdi  Axmed  Yuusuf oo  ah Guddoomiyaha deegaanka  Gadoon ayaa waxaa  uu sheegay in dad badan ay saameyn ku yeelatay biyo la’aanta ka jirta deegaanka Gadoon iyo tuulooyinka hoostaga, islamarkaana waxaa uu sheegay in xaalad adag ay haysato dadkaasi.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa waxaa uu xusay in ku sugnaaa deegaanka  Gadoon ay qaarkood  baaba’een, isagoona tilmaamay nolol aad u xun ay ka jirto deegaankaasi.

Maamulka Galmudug ayuu ka dalbaday Gudoomiyaha in gar-gaar la gaarsiiyo dadkii Xaalada adag ku haysata deegaankaasi

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.