Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay Xariga loo geystay Roobow.

0

Hargeyso-(Hornafrik)-Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah UCID ee Soomaaliland   Faysal Cali Waraabe ayaawaxaa ka Hadlay xaalada magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa waxaa uu soo hadal qaaday xariga loo geystay Musharax Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.

Gudoomiye Faysal ayaa waxaa uu  Dowlada dhexe ee  Soomaaliya ka dalbaday  in xabsiga la sii daayo Mukhtaar Roobow oo dhawaan ay soo xirtay Dowlada, isagoona sheegay in roobow uu tilmaamay inuu horey ugu baxay fikirka Al-Shabaab.

Musharax Mukhtaar Roobow ayaa dhawaan waxaa ay ciidamo itoobiyaan ah  ka soo qabteen Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay, iyagoona ka dib ku soo wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.