Baaritaano Maanta ka socda Buulo burde.

0

Buulo burde (Hornafrik)-Ciidamada amaanka ayaa Maanta waxaa ay baaritaano ka wadaan degmada Buullo Burde ee Gobalka Hiiraan.

Ujeedka Baaritaanka ayaa waxaa lagu sheegay inuu yahay sidii looga hortagi lahaa kooxaha inta badan falalka amni daro ee ka geysta  degmadaasi.

Dad Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in Ciidamada ay baarayaan Gaadiidka iyo dadweynaha, iyadoona  guudahaan xaafadaha ay ka kooban tahay degmada ay baaritaanada ka socdaan.

Saraakiisha ciidanka iyo Maamulka Degmada Buulo burde ayaa sheegaya in saacadaha soo aadan ay faahfaahin ka bixin doonaan arintaasi.

Shalay ayay aheyd markii qarax uu ka dhacay Bartamaha Degmada Buulo burde ee Gobalka Hiiraan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.