Deg deg:- Banaanbax rabshado wata oo ka bilowday Baydhabo.

0

Baydhabo (Hornafrik)-Wararka Naga soo gaaraya  Magaalada  Baydhabo ee Gobalka bay ayaa waxaa ay sheegayaan in Saakay uu banaan bax rabshado wato uuka bilowday  magaaladaasi.

Banaanbaxa ayaa waxaa looga  horjeedaa xarigii  loo  geystay Musharax Mukhtaar Roobow Cali.

Ciidamada booliska  ayaa la sheegayaa in ay xakameynayaan dadka banaanbaxa ka dhigaya bartamaha  Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay.

Bananbaxa ayaa waxaa uu ku soo beegamayaa kadib markii Ciidamada Itoobiya ay Baydhabo ku soo xireen Mukhtaar Roobow.

Xaalada ayaa weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaal uu ka dhaco Magaalada Baydhabo.

Jahwareer iyo qas ayaa ka taagan Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay.

Banaanbaxyadii ugu dambeeyay ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoona ay xusid mudan in xildhibaan lagu dilay Magaalada Baydhabo

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.