AMISOM oo Beenisay in ay soo xirtay Mukhtaar Roobow.

0

Muqdisho (Hornafrik)-War kasoo baxay Howlgalka Nabad ilaalinta Soomaaliya ee Midowga Africa AMISOM ayaa lagu sheegay in  AMISOM aysan kaalin ku lahayn Xarigga Muqtaar Roboow Cali Abuu Mansuur iyo u soo wareejintiisii Muqdisho.

Madaxa AMISOM Francisco Madeira ayaana sidaas sheegay, sida lagu daabacay Barta Internetka ee Howlgalka.

“AMISOM waxay sii wadeeysaa Aqoonsiga iyo xushmadda ay u heeyso Madaxbanaanida Dadkaiyo Dowladda Soomaaliyeed waxayna ku celieeysaa in ay dhex-dhexaad yihiin Howlaheeda fulinta ee Wadanka ay ku joogto” ayaa lagu sheegay Warka ka soo baxayAMISOM.

WarkaAMISOM ayaa waxa uu imaanayaa xilli ay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo la baxay Badbaado Qaran ay Beesha caalamka u qoreenWarqad ay kusheegeen in AMISOM ay ku xadgudubtay Howlihii ay u xil saarnayd.

Xarriga Mukhtaaar Rooboow waxaa sida la xaqiijiyay lug ku lahaa Ciidanka Ethiopia ee jooga Magaaladda Baydhabo, hase ahaatee ma cadda in ay howlgalka ka tirsayihiin iyo in kale

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.