Dhaq dhaqaaqyo Militari oo ka socda Sh.Hoose

0

Muqdisho (Hornafrik)–  Ciidamada Xoogga dalka ayaa saakay waxaa ay dhaq dhaqaaqyo Militari ay ka wadaan deegaanada dhaca wadada xeebta oo isku xirta Muqdisho iyo Marko.

Dadka Deegaanka ayaa warbaahinta  u sheegay in saakay militariga Soomaaliya lagu arkayo deegaano ka tirsan Shabeelaha Hoose.

Deegaanada dhaq dhaqaaqyada ay ka socdaan ayaa waxaa ka mid ah Dhanaane, Gandarshe, iyo Jilib Marka iyo deegaano kale.

Ciidamada Xoogga ayaa howgalkooda waxaa uu salka ku hayo sidii ay ugu Hortagi lahaayeen miinooyinka ay shabaab ku aasaan wadada isku xirta Muqdisho iyo Marko.

Dhawaan ayay aheyd markii Al-shabaab ay qaraxyo miino ku dileen saraakiil ka tirsan Militariga Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.