Baydhabo oo lagu qabtay Gaari qaraxyo Siday.

0

Baydhabo (Hornafrik)-Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ayaa Sheegaya in ciidamada Amniga ay Gacanta ku dhigeen Gaari siday waxyaabaha qarxa, kaasi oo la doonayay in lagu carqaladeeyo Shacabka ku nool Baydhabo.

Gaariga ayaa la sheegay inuu  ka yimid deegaan lagu magacaabo Raama Cadey ee  duleedka Magaalada Baydhabo.

Wasiirka Amniga maamulka Koonfur Galbeed Xasan Maxamed Xuseen , ayaa sheegay in ay gacanta ku darawalkii ka xeynayay Gaariga iyo bambooyinka, isagoona aad ugu mahadceliyay  sarkaalka qabtay howshaasi.

19-ka bishan ayaa la filayaa in ay doorasho ka dhacdo magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.