Gudoomiye Mursal iyo Xildhibaanada Mooshinka Keenay oo kulan ku yeelaya Villa Hargeysa.

0

Muqdisho (Hornafrik)- Gudoomiyha Golaha Shacabka ee Baaralamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in saacaddaha Soo aadan uu kulan la qaato Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka soomaaliya ee Mooshinka ka keenay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xildhibaanada mooshinka gudbiyay iyo Gudoomiye Mursal ayaa waxaa ka hadli doonaan sida ay ka yeelayaan Mooshinka laga keenay Madaxweyne Farmaajo.

Saleebaan Maxamuud Xaashi oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka ee mooshinka ka gudbiyay Madaxweynaha ayaa sheegay in Villa Hargeysa uu kulan xasaasi ka dhici doono,kaasi oo u dhexeeya Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo Xildhibaanada Mooshinka Keenay.

Lama oga Go’aanka kas oo bixi doono kulanka maanta la filayo in ay wada qaataan Gudoomiyaha Golaha shacabka iyo Xildhibaanada Mooshinka keenay.

Waxaa cirka isku sii shareeraya Khilaafka u dhexeeya Madaxda ugu  sareysa ee Dowlada FederaalkaSoomaaliya.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.