Soomaaliland oo u diyaar garowday wada hadalka Soomaaliya

0

Muqdisho (Hornafrik)-Yaasiin Xaaji Maxamuud Wasiirka Arimaha dibada Soomaaliland oo la hadlay VOA-da ayaa waxaa ay ka hadlay wada hadaladii Soomaaliya iyo Soomaaliland oo mudo badan hakad galay.

Wasiirka Arimaha Dibada ee Soomaaliland ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliland ay diyaar u tahay in la bilaabo wadahadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Sidoo kale Wasiirka ayaa xusay in mar walba soomaaliland ay soo dhaweynayso cidkasta oo Waan waan ka galaysa wadahadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Dhowr jeer ayay aheyd markii shir lagu wadahadal siinayo Soomaaliya iyo Soomaaliland uu ka dhacay Dalal badan oo saaxibo la ah Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.