Ciidanka ammaanka Soomaaliya oo Gacanta kusoo dhigay xubno ka tirsan Al-Shabaab

0

Muqdisho-(Hornafrik)-Ciidanka nabad-sugidda iyo sir-doonka Qaranka Soomaaliyeed NISA, ayaa Gacanta kusoo dhigay Laba xubnood oo ka tirsan Kooxda nabad-diidka ee Al-Shabaab, ka dib howl-gallo qorsheysan oo ay ka fuliyeen qaybo ka mid ah Shabeellada hoose, sida  ay hay’adda NISA ku daabacday boggeeda Twitter-ka.

Howl-galka oo si taxaddar leh ugu dhacay Xafiiska Xizbada Al-Shabaab ay ku lahaayeen Degaanka Sabiid Caanoole , ee Gobolka Shabeellada hoose, ayaa sidoo kale lagu soo qabtay Saanad Ciidan iyo walxaha qarxa.

Qoraalkan ayaa lagu yiri, muhiimadda koobaad ee Ciidanka amniga waa ka hortagga Kooxda  Al-shabab iyo badbaadinta Shacabka Soomaaliyeed.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.