Howgal qorsheysan oo xalay ka dhacay deegaanka Awdheegle

0

Muqdisho (Hornafrik)-Wararka ka imaanaya  Deegaanka  Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa  ku waramaya  in Ciidamo isugu jira mareykan iyo Soomaali ay howlgal gaar ah ka fuliyeen degmadaasi.

Ciidamada huwanta ayaa waxaa ay duqeymo ka fuliyeen saldhigyo Al-Shabaab ay ku leeyihiin Deegaanka Awdheegle ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Dadka Deegaanka ayaa  Warbaahinta  u sheegay in duqeymo culus xalay ay ka dhaceen Deegaanka Awdheegle, islamarkaana ilaa hada iyo lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka kooban ee dhexmaray Ciidamada huwanta iyo Al-Shabaab.

Warbahinta ku hadasha Afka Al-shabab ayaa baahisay in in weerar xoogan uu xalay ka dhacay Deegaanka  Awdheegle, islamarkaana ay ka iska caabiyeen ciidamada weerarka soo qaaday.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen Al-Shabaab in ay fashiliyeen weerarkaasi, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhanka kale War lagu daabacay Barta Twitter-ka  Hay’adda NISA ayaa waxaa looga hadlay Weerarkii xalay ka dhacay Deegaanka Awdheegle ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale hay’ada NISA ayaa waxaa ay shaaca ka qaaday in gacanta lagu soo dhigay walxaha qarxa oo Al-Shabaab ay ku diyaarinayeen deegaankaasi.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.