Mursal oo shuruudo hordhigay Kheyre & Farmaajo

0

Muqdisho (Hornafrik)-Tan iyo markii uu Muqdisho dib ugu soo laabtay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Maxamed Mursal Sheekh Cabdi Raxmaan ayaa waxaa uu kulamo ka wadaa Magaalada.

Masuuliyiinta ay wada kulmeen Gudoomiyaha Golaha Shacabka  ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha Soomaaliya, iyagoona isku mari la’ sedex qodob oo waa weyn, islamarkaana uu ku dhagan yahay Gudoomiye Mursal.

Sidoo kale Mursal ayaa waxaa kulamo is daba joog ah la qaatay Xildhibaanada ka tirsan Gudigga Maaliyada ee Golaha shacabka ee Baarlamaanka soomaaliya.

Qodobada la isku mari la’yahay ayaa waxaa ka mid ah:-

1.In Guddiga Maaliyadda ee Golaha shacabka ay shaqadooda wataan

2.In Mukhtaar Roobow uu tartamo, islamarkaana aan Musharaxnimadiisa laga hor istaagin

3.In Ciidamada la geeyey Baydhabo dib loo soo celiyo

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.