Khilaafkii ugu xumaa oo u dhexeeya madaxda Puntland

0

Garoowe ( Hornafrik)-Khilaafkii ugu xumaa ayaa hada soo gala dhexgalay Madaxweyne Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas  iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Cabdi Xakiin Cabdullaahi  Xaaji Cumar Cameey, tasi oo ka dhalatay kadib markii ay labadooba magacaabeen Gudiga Xalinta Khilaafaadka oo iska soo horjeeda.

Madaxweyne ku xigeenka iyo qaar ka mid ah musharixiinta ayaa la sheegay inay kasoo horjeedaan Guddiga xalinta Khilaafaadka Golaha Wakiilada Puntland ee uu magacaabay Madaxweyne Gaas.

Magaalada Garoowe ayaa hada waxaa laga dareemayaa Muranka soo gala dhex galay Madaxweyne Cabdi weli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Cabdi Xakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey.

Odayaasha iyo Waxgaradka Puntland ayaa bilaabay soo afjarida khilaafka soo cusboonaaday ee u dhexeeya labada Masuul ee ugu sareysa Maamulka Puntland.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.