Baydhabo oo baaritaanno dheeraad ah ka socdaan

0

Baydhabo-( Hornafrik)-Ciidamada Amaanka ayaa saakay waxaa ay baaritaano ka wadaan Xaafadaha guud ee Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay.

Baaritaanka ayaa ka dambeeyay kadib markii  xalay weerar bambaanooyin ah lagu qaaday Guriga Xildhibaan hore uu ka degan yahay Magalada Baydhabo, kaasi oo lagu  magacaabo Maaxamed Kheyr Xaaji Maxamed Ibraahim Hiireey.

Dadka deegaanka ayaa Hornafrik  u sheegay in weli baaritaanada ay socdaan, islamarkaana ma jirto cid lagu soo qabtay Baaritaankaasi.

Bambaanooyinka lagu weeraray  Guriga Xildhibaan hore oo ka tirsanaa Dowladii Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa  ku dhaawacmay  Saddex ruux oo Guriga ku sugnaa.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.