Macallim jamaacadeed oo Muqdisho lagu dilay

0

Muqdisho (Hornafrik)-Koox Hubeysan ayaa Xalay qof shacab ahaa waxaa ay ku dileen Xaafada Towfiiq Degmada Yaaqshiid ee Gobalka Banaadir.

Marxuumka la dilay ayaa waxaaa lagu magacaabi jiray Cabdi rashiid Sheikh Iidle,waxaa uuna ahaa Bare wax ka dhigi jiray mid ka mid ah Jaamacadaha ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Labo dhalin yaro oo ku hubeysan Bistoolad ayaa marxuumka ku dilay xili uu agteegnaa gaarigiisa, iyadoona kooxda dilka geysan ay goobta ka baxsadeen.

Dilka ayaa imaanaya iyadoo horay loo dilay maamulayaal iyo macalimiin kale oo siyaaba kala duwan Muqdisho iyo Afgooye loogu dilay, waxa ayna noqotay cabsi kale oo soo wajaheyso barayaasha dalka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.