Kumaandooska Soomaaliya oo gaaray Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb- (Hornafrik)Saraakiil iyo askar ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ayaa xalay waxaa ay gaareen sida lagu soo waramayo Magaalada Dhuusa mareeb ee Gobalka Galgaduud.

Saraakiisha ayaana kulan waxaa ay la qaateen masuuuliyiinta maamulka Galmudug ee Dhuusa mareeb ku sugan.

Warar ay heshay  Hornafrik ayaa sheegaya in saraakiisha ciidanka ee gaaray Dhuusamareeb  iyo madaxda Galmudug ay la kulmeen ka wada hadleen dagaalka Al-shabaab lagula jiro ee ka socda qeybo ka mid ah deegaanada Galmudug gaar ahaan Gobalka Galgaduuud.

Ciidanka Kumaandooska ayaana lagu wadaa in ay howlgalo joogto ah ka bilaabaan deegaano ay ka mid yihiin Ceelbuur iyo kuwo kale oo Shabaab ku suganyihiin.

Gobalka Galgaduud ayaa degmooyinka Ceelbuur iyo Ceeldheer waxaa kaga sugan Al-shabaab,  kuwaasi oo marar badan dagaal la galay ciidamada ku sugan tuulooyinka degmooyinkaasi hoostaga.

Qaar ka mid ah ciidamada xalay gaaray Magaalada Dhuusamareeb ayaa horey u joogay magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.