Kulankii baarlamaanka oo weli hakad ku jira

0

Muqdisho (Hornafrik)Kulanka Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta markale baaqday, xili maanta la filayay in ay kulan yeeshaan Mudanayaasha Golaha shacabka.

Baaqashada kalfadhiga Golaha shacabka ayaa waxaa sabab u ah, kadib markii uu khilaaf soo kala dhex galay Gudoonka iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka, taasi oo keentay in ay istaagaan shaqooyinkii Golahaasi.

Gudoomiye Mursal ayaa kulamo aan loo kala kicin ka wada Magaalada Muqdisho, isagoona la qaadanaya Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, si loo dhameeyo Khilaafka cirka isku sii shareeraya ee u dhexeeya Gudoonka iyo xildhibaanada qaar ee ka tirsan Golaha Shacabka.

Khilaafkan iyo Baaqashada kulanka ayaa waxaa sababta ugu weyn waxaa ay tahay tan iyo markii Gudigga Maaliyada ee Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ay Sheegeen in la musuq-maasuqay Miisaaniyada Dowlada dhexe.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.