Gabdha Soomaali ah oo la baarayo sababta dhimashadooda

0

Muqdisho (Hornafrik)-Gabdhahan Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Amaal Maxamed iyo Anisa Maxamed  ayaa ku dhintay shirl gaari oo ka dhacay Dalka Mareykanka.

Saraakiisha laamaha ammaanka Mareykanka ayaa wada baaritaano ku aadan waxyaabaha sababay shilkaasi gaari oo ka dhacay Gobolka Ohio ee dalkaasi.

Ehelada gabdhahaasi ayaa sidoo kale sheegay in dhaawac uu soo gaaray gabar kale oo lagu magacaabo Aamino Maxamed oo la dhalatay gabdhahaasi shilkaasi ku dhintay.

Ciidamo katirsan Booliska dalkaasi ayaa sheegaya in ay haatan hayaan xogo ku saabsan in gaariga oo xawaare ku socday uu ku dhacay gaari kale,balse ay baaritaano dheeraad ah haayaan.

Bulshada Soomaaliyeed ee kunool dalkaasi Mareykanka ayaa dareen naxdin leh ka muujiyay geerida gabdhahaasi,waxaana la qorsheynayaa in meydkooda la aaso,waxaana ay xilligaasi ku guda jireen booqashada qaar ka mid ah eheladooda.

 

Xigasho:- SONNA

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.