Dowladda oo dib u bilaabeysa bixinta Baasaboorka

0
Muqdisho (Hornafrik)- War ka soo baxay Hay’ada Socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya  ayaa waxaa  looga hadlay  xilliga dib loo bilaabi doono bixinta Baasaboorka Soomaaliga oo mudo hakad ku jiray.

Hay’ada ayaa waxaa ay sheegtay in ay walaac  ka muujinayso waqtigii koobnaa ee hakadka uu ku yimid bixinta baasaboorka, waxaa ayna raalli gelin ka bixiyeen xiliga ay hakadka ku jirtay.

Sidoo kale Hay’ada Socdaalka ayaa waxaa ay tilmaamtay in dhammaan xarumaha bixinta baasaboorada ee dalka ku kala yaala ay shaqadooda bilaabi doonaan maalmaha soo socda.

Qoraalka Hay’ada ayaa waxaa lagu tilmaamay in  dib u habeyn lagu sameynayay habka bixinta Baasaboorka Soomaaliga ah, waxaana la  sheegay inuu bilaaban doono  bixinta baasaboorka maalinta Talaadada ah ee soo socota Taariikhdana ay  beegan tahay  4ta December.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.