Dood ka dhalatay Ciidamadii la geeyay magaalada Baydhabo.

0

Baydhabo  (Hornafrik)-Siyaasiin, Xildhibaano, iyo Masuuliyiin kale ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay ciidamo cusub oo ka mid ah Booliiska Soomaaliya oo shalay la geeyay magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay.

Ciidamadaan oo ay laba jeer diyaarad geysay magaalada Baydhabo sida ay sheegeyn dadka deegaanka iyo masuuliyiin ayaa loo qorsheeyay ilaalinta amaanka doorashada koofur Galbeed waxaana la sheegayaa in walaac ay ku abuurtay qaar ka mid ah Murashaxiinta Koofur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Sooomaaliya Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan ayaa sheegay in uusan waxba kala socon ciidamada la geeyay magaalada islamarkaana aysan jirin baahiyo amni ama mid ciidan oo Baydhabo Ciidamo dheeraad ah loo geeyo.

Xildhibaan Shiikh Aadan Maxamed Nuur “Shiikh Aadan Madoobe” ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadaan loo keenay oo kaliya qal qal lagu geliyo amaanka doorashada ayna tahay qalad weyn sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ka hadlay kala diritaanka Gudiga Maaliyadda ee golaha Shacabka kadib wareysi uu siiyay VOA.

Inkastoo uu ka meer meeray jawaab cad inuu ka bixiyo su’aashii la weydiiyay ee ku aadaneed sida uu u arko kala dirista gudiga iyo sax ahaan shiyaha ayuu ku jawaabay.

“Ninkii ku magacaabay waa ku kala diri karaa waayo isaga ayaa ku magacaabay ” ayuu ku soo koobay jawaabtiisa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Doorashada Koofur Galbeed ayaa laga qabaa cabsi badan waxayna murashaxiinta kala qabaan cabsi iyo iney dhici doonto musuq maasuq. dadka qaar ayaa sheegaya in qof ama Murashax gaar ah oo ay wadato Dowladda Soomaaliya uu helayo taageero halka kuwa kalane la saarayo cadaadis xoog leh.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.