Xildhibaan sheegay in madaxda dalka ay u hanjabeen

0

Muqdisho (Hornafrik)- Xildhibaan Cabdulaahi Maxamed Nuur oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa warbaahinta u sheegay in Madaxda dowladda Soomaaliya in uu Hanjabaad uu kala kulmay.

Waxaa uu sheegay in 48 saac ee lasoo dhaafay dhanka Xukuumadda uu kala kulmay Handadaad ballaaran oo loogu sheegayay in uu ka baxo Arrimaha Maaliyadda oo uu maalmihii lasoo dhaafay ku howlanaa.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ay jiraan dad kale oo Xukuumnadda Soomaaliya ay u hanjabtay, qaarna ay xirtay taasina ay tahay wax laga xumaado.

Hay’addaha kala duwan ee dowladda ee ay khuseyso ayuu sheegay xildhibaanka in uu u gudbin doono Cabashadiisa, si ay wax kaga qabtaan.

Hadalka Xildhibaanka ayaa yimid ka dib  markii buuq uu ka dhashay xisaab ay sameeyeen  guddiga maaliyadda taasi oo dhawaan baarlamaanka dooddiisa la hor geeyay kadibna ay laaleen.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.