Janeraal Thomas Waldhauser oo Muqdisho soo gaaray

0

Muqdisho (Hornafrik)– Wafdi uu hoggaaminaayo taliyaha Ciidanka Mareykanka ee Qaaradda Afrika  ee loo yaqaano(Africom) Janeraal Thomas Waldhauser ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Muqdisho.

Garoonka Diyaaraddaha ee Muqdisho ayaa wafdiga taliyaha waxaa kusoo dhaweeyay Safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Midowga Afrika.

Wafdiga ayaa kulan la yeeshay madaxda ugu sareysa dalka, waxaana ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka Al-Shabaab.

Dowladda Mareykanka ayaa laba jibaartay maalmihii lasoo dhaafay duqeymaha ay ka fuliso Soomaaliya ee lala beegsanaayo dagaalyahanada Al-Shabaab.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.