Maamul gobaleedyada oo taageeray dadaalka Aqalka Sare
Muqdisho (Hornafrik)- Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda ayaa war kasoo saaray Go’aankii shalay kasoo baxay Golaha Aqalka Sare ee ku aadana in dowladda Soomaaliya ay ka jawaabto Cabashadda ay qabaan maamulada , islamarkaana la xaliyo tabashadda maamul goboleedyadda.
War kasoo baxay Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda oo hadda uu Gudoomiye ka yahay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa si buuxda loogu taageeray dadaallada Aqalka Sare.