Saraakiil katirsan Midowga Afrika oo gaaray Beledweyn
Beledweyn (Hornafrik)- Magaalada Baladweyn ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa maanta oo halkaa lagu soo dhaweeyey wafdi ka socda Midawga Afriga.
Wafdigaan waxaa horkacayey Wiilka gaarkaa ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliye Fransisco Madeira,waxaana garoonka Ugaas Khaliif ee Magaalada Baladweyne ku soo dhaweeyey madaxweynaha Madaxweynaha Hir-Shabeelle Waare iyo Gudoomiyaha gobolka Hiiraan.
Wafdigaan ka socda Midowga Afrika oo lagu soo dhaweeyey Baladweyne ayaa kulamo laqaadanaya Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare, Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Daba-Geed iyo Saraakiisha Ciidamada qalabka sida, waxaana la isla soo qaadi doonaa xaalada abni ee Hir-shabeelle iyo howgaladii ugu dambeeyey.
Wakiila Midowga Afrika iyo wafdigiisa ayaa lasheegey inay safar ku tagi doonaan dhamaan Maamulada dalka ka jira haatanse waxay ku suganyihiin Baladweyne.