Mid kamid ah ilaalada Isbitaalka Deva oo Muqdisho lagu dilay

0

Muqdisho (Hornafrik)- Wararka naga soo gaaraya Xaafadda Carwada ee Degmada  Hodon, ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas ay koox hubeysan ku dileen mid kamid ah ilaalada Isbitaalka Deva.

Ehelka Askariga la dilay ayaa u sheegay Warbaahinta  in magaciisa la oranjiray marxuumka Cabdi Maalik Sheekh Muxumad Cabdi Giirre.

Cabdi Maalik waxaa uu sidoo kale ahaa Askari katirsan  Ciidamada  Dowladda,  koox baskoolado ku hubeysan ayaa ku toogtay Xaafadda Carwada Taleex ee Degmada Hodon.

Kooxda dilka geysatay ayaa isaga baxsaday goobta  iyada oo meydka Askariga ay Ciidamada ammaanka oo goobta gaaray ka qaadeen.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.