Maariyihii garoonka Jowhar oo xaaskiisa dilay

0

Jowhar (Hornafrik)- Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee xarunta u ah maamulka Hir-shabeelle  ayaa waxa ay sheegayaan in Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha   Jowhar Ibraahin Maxamed Cali (Cali Dheere) uu  xalay Xaafadda Hanti-wadaag ku dilay Xaaskiisa oo xaamilo aheyd.

Dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in haweynda la dilay lagu Magacaabi jiray Jamiilo Sh.Cali Ibraahin oo aheyd xaaska Ibraahim.

Dhowr Xabadood ayaa la sheegay in uu Madaxa kaga dhuftay Xaaskiisa.

Ehelada Marxuumada la dilay ayaa sheegay in ay aad uga naxeen falka dilka ah ee loo gaystay gabadhooda oo xaamilo aheyd, uuna dilay ninkii qabay.

Ciidamada Booliska  Jowhar ayaa la sheegay in ay soo qabteen gacan ku dhiiglaha dilay xaaskiisa, haddana uu ku xiran yahay saldhigga  ciidamada amniga Jowhar,  islamarkaana ay faahfaahin ka bixin doonaan sida ay wax u dhaceen saacaddaha soo socda.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.