Alshabaab oo laga saarayo waddooyinka Hiiraan

0

Beledweyn (Hornafrik)- Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa ku dagaallamaya duleedka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan sidda ay Risaala u xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Ciidanka xoogga iyo kuwo AMISOM ay howlgal waddo furis ah ay ka bilaabeen wadada xariirisa Magaalada Beledweyne iyo sidoo kale degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, waxaana la sheegay in Al-Shabaab ay dagaal kala horyimaadeen.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo ku sugan Magaalada Beledweyne ayaa lagu soo waramaya in uu amray in Shabaab laga saaro gobolka Hiiraan.

Waxaa jira Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dagaalka ka socda duleedka degmada Maxaas.

Maamulka Hirshabeelle ayaa dadaal badan ku bixinaya furidda wadooyinka ay go’doomiyeen Al-Shabaab.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.