Hub, gaadiid dagaal iyo Ciidamo lagu qubayo Baydhabo.

0

HornAfrik– waxaa isa soo taraya maalmihii u danbeeyay ciidamo , gaadiid dagaal iyo Hub lagu daabulayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Koonfur Galbeed.

Magaalada ayaa laga dareemayaa diyaar garoow loogu jiro tartan doorasho oo adag islamarkaana dhex mara Siyaasiyiin mug leh.

Waxaa horey halkaasi u gaaray wasiirka Tamarta iyo Biyaha ee xukuumadda Soomaaliya Cabdi Casiis Maxamed Xasan Lafta Gareen oo watay Ciidamo iyo gadiid aan xabadu karin wuxuuna u taaganyahay xilka madaxtinimo ee Koonfur Galbeed.

Maanta oo u dambeeyay waxaa Magaalada Baydhabo gaaray Agaasimihi hey’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Xuseen Cismaan Xuseen oo isaguna la tagay Ciidamo gaar ah , gaadiidka dagaalka iyo hub wuxuuna sidoo kale u taaganyahay Madaxtinimada Koofur Galbeed.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.