Dilal Muqdisho maanta ka dhacay.

0

HornAfrik-Koox Hubeysan  ayaa waxaa ay qof shacab ah ku dileen  Agagaarka Isgooska Black Sea Degmada hodan ee Gobalka Banaadir.

Ninka la dilay ayaa waxaa  la sheegay in uu ka soo baxay  Masaajid ku yaala aga gaarka Isgooska Black Sea ee Degmada Hodan .

Dadka Deegaanka ayaa sheegay in ninka la dilay Magaciisa lagu soo koobay  Yuusuf, waxaana la sheegay in uu ka shaqeynayay  Garaash ku yaalla Isgoyska Black Sea ee Magaalada Muqdisho.

Kooxda dilka fulisay ayaa waxaa la tilmaamay in ay ka baxsadeen goobta ay falka ka geysteen.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa gaaray Goobta uu dilka ka dhacay, iyadoona halkaasi ay baaritaano ka sameeyeen.

Sidoo kale saacado yar kahor ayaa waxaa rag bsitolado ku hubeysan ay Xamarweyne ku dileen qof shacab ah oo goobtiisa ganacsi ku sugnaa.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.