Uganda oo sheegtay in askar looga dilay Shabeelaha Hoose.

0

HornAfrik-Dowladda Uganda ayaa waxaa ay sheegtay  in ciidamo ka tirsan Uganda  looga dilay dagaal maalmo ka hor ka dhacay magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Afhayeen u hadlay Militariga Uganda oo lagu magacaabo Col. Deo Akiik ayaa sheegay in ugu yaraan Laba askari looga dilay dagaal Talaadadii la soo dhaafay ka dhacay magaalada marka, kadib markii Al-Shabaab ay weerar ka geysteen Magaalada Marka.

Sidoo kale Afhayeenka oo  hadlay wakaaladda wararka Shiinaha ayaa Sheegay in weerar ay ku soo qaadeen Al-Shabaab, islamarkaana ay iska caabiyeen.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.