Madaxweyne Farmaajo oo kulamo ka wada Marka.

0

HornAfrik-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shalay gaaray magaalada Marka ee Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa kulamo xogwareysi ah la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladaasi.

Ujeeddada safarka Madaxweynaha ayaa ah in uu dhiirrigeliyo Guutada 14ka Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku hirgashay baaqii Madaxweynaha ee ku aaddanaa in dhallinyaradu ay u istaagaan difaaca dalkooda, kaddib xasuuqii Soobbe ee 14kii Oktoobar sannadkii 2017kii.

Guutadan ayaa haatan ku guda jirta hawlgallo ciidan oo ka dhan ah argagixisada Al Shabaab, iyadoona bartilmaamsanaysa in ay meleyshiyaadkaas ka sifeeyaan guud ahaan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Madaxweynaha ayaa kulamo gooni gooni ah la yeshay saraakiisha ciidamada iyo sidoo kalem odiyaasha magaalada.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.