Maxkamada Ciidanka qalabka sida oo Maanta Xukun riday.

0

Muqdisho-Hornafrik-Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee  Soomaaliya ayaa saakay waxaa ay toogatay Xasan Aadan Isaaq Cali oo lagu eedeeyay inuu waday gaari NOAH-ah oo ciidamada ammaanka ay ku qabteen xaafada Buula Xuubey ee degmada Wadajir, maalinkii uu dhacay qaraxii isgooska Zoobe, 14-kii October 2017 oo sanad laga joogo.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa ninkan horey ugu xukuntay xukun dil toogasho ah, waxaana xukunkiisa fulinta uu dhacay maanta oo Axad ah.

Muumin Xuseen C/laahi xeer ilaliye ku xigeenka maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo dilka kadib warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu  sheegay in xukunka uu u dhacay sidii loogu tala galay.

 

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.