Yaa ka danbeeya mooshinka laga gudbiyay Waare?

0

HornAfrik– waxaa isa soo taraya xogta laga helayo mooshin ay in kabadan 50-xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Hirshabeele ka gudbiyeen madaxweynaha Maamulkaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa HornAfrik u sheegay in madaxweynayaasha kale ee maamul goboleedyada ay ka danbeeyaan mooshinka.

Waxaa la tilmaamay in golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ay ka caroodeen go’aankii uu ka laabtay Waare ee ku aadanaa in xiriirka loo jaray madaxda maamul goboleedyada.

Xildhibaan ka tirsan Hirshabeele oo diiday in magaciisa shaacino ayaa noo sheegay in xildhibaanada mooshinka gudbiyay ay lacag badan ka heleen madaxda maamul goboleedyada.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.