Mukhtaar Roobow oo Maanta si kulul ugu hadlay Xafladiisa.

0

Baydhabo-Hornafrik- Sheekh Mukhtaar Roobow  Cali Abuu Mansuur oo maanta ka hadlayay Xaflad uu isaga ku shaacinayay waxyaabaha uu u qaban doono Shacabka Hadii uu ku guuleysta Xilka Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya.

Roobow waxyaabaha ugu Muhiimsan ee Khudbadiisa Maanta ku jirtay ayaa waxaa ka mid ahaa.

  • Inuu wax ka qabanayo Amni darada ka jirta deegaanada Koofur Galbeed.
  • Inuu isku furi doono Wadooyinka xiran ee Gobalada Shabeelaha Hoose , Bay iyo Bakool, si gaar ah waxaa uu uga hadlay Wadada isku xirta Baydhabo  iyo Shabeelaha hoose

Sidoo kale Mukhtaar Roobow ayaa waxaa uu Shaaca ka qaaday in Dagaalamayaasha Al-Shabaab uu ka saari doono deegaanada Maamulka Koofur Galbeed, isagoona tilmaamay inuu la dagaalami doono Maleeshiyaadka dadka ku dhaca Degaaada Koofur Galbeed.

Mukhtaar Roobow ayaa waxaa uu wacad ku maray in hadii uu ku guuleysto xilka Madaxweynaha Maamulka  Koofur Galbeed, wax ka qabanaya Dadka Dacwadaha u doonto Al-Shabaab, isagoona Sheegay in taasi uu aqbali doonin.

Shalay ayay aheyd  markii Wasaarada Amniga Soomaaliya ay soo saartay Go’aan ay  ku joojisay Mukhtaar Roobow  inuu u tartamo doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Musharixiin badan ayaa hada waxaa ay ku sugan yihiin Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay, kuwaasi oo dhamaantooda doonaya in ay xil ka qabtaan koofur Galbeed.

Mukhtaar Roobow ayaa ka mid ahaa aas aasayaasha Al-Shabaab, waxaa uu soo noqday Afhayeenka Dagaalamayaasha Al-shabaab  iyo Hoggaamiye kuxigeenka kooxda , hase ahaatee sanado ka hor isaga soo baxay, isagoo wada hadalo la furay dowladda federaalka Soomaaliya.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.