Dowlada Soomaaliya oo la sheegay in ay fara gelin ku hayso Mooshinka Madaxweyne Waare.

0

Muqdisho-Hornafrik-Kadib markii Qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ay u gudbiyay guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle  mooshin  ka dhan ah Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa arinta waxaa ka hadlay Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Maamulkaasi.

Xidlhibaan Mahad Xasan oo  wareysi siiyay Idaacada KUlmiye ayaa Sheegay in Dowlada federaalka soomaaliya ay Fara gelin ku hayso Howlaha Maamulka Hirshabelle.

Sidoo kale Waxaa uu sheegay in cabsi badan ay ka muuqatay Gudoomiyaha Baarlamaanka hirshabelle markii uu qabanayay Warqada Mooshinka laga soo gudbiyay Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, sida uu hadalka u dhigay Xildhibaan mahad.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa aqbalay mooshinka laga gudbiyay Madaxweyne Waare.

Mooshinkan ayaa sida la  sheegay waxaa saxiixday inkabadan konton xildhibaan waxaana xildhibaanada saxiixay ay ku eedeeyeen Madaxweynaha Hirshabelle maxamed Cabdi Waare xil gudasho la’aan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.