Faah Faahin Qarax maanta ka dhacay Galgaduud.

0

HornAfrik-Qarax Miino oo khasaaro geystay  ayaa Maanta waxaa uu ka dhacay deegaan hoostaga degmada Caabudwaaq ee Gobalka Galgaduud.

Deegaanka Balli-cad ayaa la sheegay in qarax uu ka dhacay, islamarkaana qaraxa waxaa ku geeryooday labo  qof oo walaalo ah, kuwaasi oo lagu kala magacaabi jiray Farxiyo Maxamuud Mire, oo 15 sano jir ah iyo Shaafici Maxamuud Mire oo isna 13 Sano jir ah.

Dadka Deegaanka ayaa Sheegay in caruurta ay hooyadooda u soo dirsatay in biyo ay ka soo dhaamiyaan Deegaanka Balli-Cad, inkastoo geed hoostiisa ay caruurta ku ciyaarayeen, iyadoona intaa kadib uu qarax ka dhacay.

Miinada  Qaraxday ayaa loo maleynayaa  in waqti hore halkaasi  lagu aasay, waxaana deegaankaasi  uu ahaa goob dhawr jeer ay isku fara saareen Dadka reer guuraaga ee Dagaalka daaqsinta  ka dhashaa uu ku dhex maray aagaasi in Mudda ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.