Mukhtaar Roobow oo Baydhabo Gaaray.

0

HornAfrik– Waxaa Maanta   Magaalada Baydhabo  gaaray Musharax  Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu mansuur.

Dadweyne aad u faran ayaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay  Mukhtaar Roobow iyo qaar ka mid ah Musharixiinta u tartamaya xilka Madaxtinimada Maamulka Koofur galbeed.

Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan uu ku dhawaaqo inuu yahay Musharax u taagan Qabashada Xilka Madaxweynaha Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya.

Shir jaraa’id uu ku qabtay garoonka diyaaradaha ee baydhabo ee Sheekh Mukhtaar  ayaa waxaa uu Mahadceliyay Shacabka iyo Musharixiinta Soo dhaweyntiisa ka qeyb qaatay, sida uu soo sheegayo Wariyaha KNN ee Magaalada Baydhabo

Musharixiin badan ayaa hada waxaa ay ku sugan yihiin Magaalada Baydhabo ee Gobalka bay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.