Xisbiga Xasan Shiikh oo durba bedelay magacii lagu qabsaday.

0

HornAfrik-War-Saxaafadeed kasoo baxaya Xisbiga uu guddomiyaha u yahay Madaxweynihii hore ee soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa lagu sheegay War-saxaadadeedka in magacii xisbiga la badalay.

Magaca xisbiga ayaa hore u ahaa xisbiga Midowga Nabada iyo Dumquraadiyadda  halka magaca  Madaxda Xisbiga ay sheegeyn in ay ku badaleen Xisbiga Midowga Nabad iyo Hormarka,Kadib markii muran uu ka dhashay magaca xisbiga.

Xisbigan la badalay Magaciisa ayaa waxaa inta badan ku mideysan Xubno mucaarad ah,Waxaana magaalada Muqdisho lagaga dhawaaqay 30ka bishii hore ee Semptembar Ee sanadkan.

Magaca Hore ee xisbigan ayaa waxaa sheegatay in uu leeyahay Cabdulaahi sheikh Xasan Wasiirka Dastuurka Maamulka K/galbeed soomaaliya,waxaana uu tilmaamay inay xadeen magaca Xisbi uu sameeyay sanadkii 2011 oo lagu magacaabo Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda Soomaaliyeed SPDU

Waxaana Xisbiga Magaciisa la bedalay si kumeel gaar ah Guddomiya ay ugu Magacawdey Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Mudane xasan sheikh Maxamuud.

Si kastaba ha ahaatee maalinta Khamiista ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka dhaco Munaasabad lagu daah-furayo Xisbiga, laguna caleema saarayo Guddoomiyaha KMG Xisbiga oo dhowaan loo doortay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.