Wacad lagu maray in Shabaab dalka looga saarayo muddo kooban.

0

HornAfrik-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe),ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay u diyaar garoobeen dagaal ka dhan ah AL-shabaab.

Taliye Indha-qarshe ayaa sheegay in inta ka dhiman sanadkan iyo sanadka soo socda ee 2019ka ay Ciidamada dowladda Al-shabaab ka saari doonaan dalka.

Daahir Aadan Cilmi waxaa uu ku baaqay in dadka  Rayidka ah ka baxaan xeryaha Ciidamada Milatariga.

Waxaa uu sheegay in Ciidanka uu ku shaqeynayo xeryaha ciidamada si ay ula wareegaan amaanka dalka.

Indha-Qarshe ayaa sheegay in xeryaha Ciidamada ay muhiim u yihiin howlgallada ka dhanka ah AL-shabaab islamarkaana ay kaalin ka qaadan karaan sidii dalka looga saari lahaa Al-shabaab.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.