Saldhigyo Shabaab leeyihiin oo lagu bur buriyay J/dhexe iyo Sh/Dhexe.

0

HornAfrik-Warar la helayo ayaa sheegaya in xalay dhowr saldhig oo muhiim u ahaa laga duqeeyay Al-shabaab ,

Xalay ayaa la duqeeyey Saldhigyo Shabaab ku leyihiin degmooyinka Bu’aale iyo Jilib ee Jubada dhexe iyo sidoo kale deegaanka Basra oo u dhaw degmada Balcad ee Shabeelaha dhexe.

Ilo wareedyo u waramaya HornAfrik ayaa sheegaya in gantaalada lala dhacay Bu’aale lagu dilay xubo sare oo Al-shabaab ka tirsanaa uuna kamid yahay sida la sheegay Madaxii amniyaadka Gobolka Banaadir oo magaciisa lagu sheegay Cabdifitaax.

Duqeynta Jilib ka dhacday ayaa iyana lagu soo waramayaa in lala beegsaday xarunta Guud ee ay Shabaab ku diyaariyaan qaraxyada halkaasi ayaana la shegayaa in bur bur xogg leh la gaarsiiyay looga dilay xubo kor u dhaafaya 10-Shabaab ah.

Isla Jilib ayaa la sheegayaa in duqeyn kale lala begsaday Shabaab u diyaarsanaa sida la sheegay in ay weerar qaadaan balse laga dilay tiradii ugu badneyd ee abaanulka dagaal ku jirtay lana bur buriyay gaadiidka dagaal ee ay halkaasi waa Jilib jubada dhexe ay  ku heysteen.

Sidoo kale xalay waxa meelaha ay duqeymaha ka dhaceen kamid ah deegaano u dhaw degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha dhexe oo Basro kamid tahay waxaa ilo waredyo inoo sheegen in la beegsaday Shabaab Caruur xoog uga ka xeytay deegano ka tirsan Shabeelaha dhexe lamase oga tirada dadka ku dhintay duqeynta ka dhacday deegaanka Basra.

lama oga dalka laga leeyahay diyaaradaha fuliyay duqeymaha xalay dhacay

Shalay oo u danbeysay ayay ahayd markii ay Taliska Mareykana AFrika u qaabilsan e Africom la yiraahdo ay warbixin ku sheegeen in ay duqeyn diyaaerad ka fuliyeen Jubada Hoose lagu dilay 96-xubnood oo Al-Shabaab ka tirtsanaa.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.