Deg-deg Taliyaal Ciidan oo xabsiga loo taxaabay.

0

HornAfrik– Wararka uu helayo wartabiyaha HornAfrik ayaa sheegaya in xabsiga la dhigay Taliye Nabad sugid iyo ku xigeenkiisa.

Guudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa xabsiga dhigay taliyaha nabad sugida Gobolkaasi Cabdi Maxamed Cali iyo kuxigeenkiisa Dhagaweeyne.

lama oga sababta xarigoda ka dambeysay ciidamada labada taliye ilaalo u ahaa ayaana dhaq dhaqaaq ka wada magaalada Baladweyn.

xariga labadan taliye ayaa imaanaya xili sido kale xabsiga la dhigay qaar kamid ah shaqaalaha bangiga dhexe ee gobolkaasi kuwaasi o uu xarigooda keenay kadib markii aay kasoo horjeesteen amar uu soo saaray Yuusif Dabageed.

Yuusuf Dabageed ayaa dhawaan loo magacaabay gudoomiyaha Gobolka Hiiraan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.