Xog- Siyaasiyiin mucaarad ah oo isku baheysanaya Muqdisho.

0

HornAfrik-Waxaa isa soo taraya wararka muujinaya in Magaalada Muqdisho isku aruursanayaan Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah madaxda dowladda Soomaaliya ee hadda arimisa.

Muqdisho waxaa caawa looga dhawaaqay in la kala diray dhamman xubnihii xisbiga Daljir oo gabi ahaanba xisbiga la burburiyay.

Talaabadan ayaa HornAfrik ka helayaa xog ku saabsan waxa xiligaani keenay in la bur buriyo xisbigaasi oo waqti iyo qarash badan uga baxay siyaasiyiin caan ah.

Gudoomiyaha xisbiga Daljir Xildhibaan Xasan Macali ayaa sheegay in xubnaha xisbiga ay muddo soo dedaaleen balse haatan ay la midoowayaan xisbi kale.

Waxaa siyaasiyiinta kale ee xisbigaan kamid ah ee caanka ah Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo sidoo kale ka tirsan Golaha shacabka.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in maalmaha soo socda xubno uu kamid yahay madaxweynihii hore ay Muqdisho kaga dhawaaqayaan xisbiyo midoobay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.