howlgallo dad lagu qabtay oo xalay laga sameeyay Muqdisho.

0

Ciidamada amaanka ayaa xalay Howlgalo ka sameeyay Xaafadaha u dhaxeeya Wadooyinka Warshadaha iyo Sodonka oo cabashooyin laga qabay kooxo dhac ka geysta.

Howlgalka ayaa si gaar ah ugu dhacay inta u dhaxeysa Cali Kamiin iyo Shiirkole sida  sheegeen dadka deegaanka.

Xaafadahaas ayaa muddooyinkii dambe waxaa kasoo yeereysay Cabasho dadka deegaanka ay ka qabaan kooxaha dhaca geysta.

Ciidamada ayaa isgoysyada dhigtay gaadiidka dagaalka, waxa ay baarayeen Gaadiidka, Mootooyinka iyo dadka saaran sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Hay’adaha amniga Dowladda kama warbixin howlgalka iyo hadii ay jiraan dad ay kusoo qab-qabteen.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.