Nin walaalkii Muqdisho ku dilay.

0

HornAfrik– xaafadda Sanca ee degmada Kaaraan ayaa lagi waramayaa in nin uu halkaasi ku dilay nin ay walaalo ahaayeen.

Ninka la dilay iyo kan wax dilay ayaa ahaa ilmo Habreed iyadoo warar kala duwan ka soo baxayaan sababaha keebay dilka.

Dadka degan xaafadda Sanca ee degmada Kaaraan ayaa HornAfrik u sheegay in ninka walaalkii dilay uu lacag ku heystay walaakii muran kadib na uu dilay inta ui Qori Ak 47 ah qaatay kuna dhex dilay Hooyga.

Ciidamada Amaanka degmada ayaa lagu waramaa in saaka ay baadi goobayaan ninka dilka geystay.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.