Guddoomiyaha Cusub ee Hiiraan oo Digniin u diray Dadka Dacwadaha u doonta Al-Shabaab.

0

Gudoomiyaha Cusub ee Gobalka Hiiraan  Yuusuf Axmed Xagar (Dabageed) oo  maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wax badan uu ka qaban doono ami darada ka jirta degaanada qaar oo shabaab ay joogaan.

Dadka Dacwadaha u doonto dagaalamayaasha Al-Shabaab ayuu sheegay Gudoomiyaha in tilaabo cad ah ay ka qaadi doonaan, islamarkaana gacan bir ah ay ku qaban doonaan, Isagoona Sheegay in lacag ganaax ah laga qaadi doono odayaasha iyo waxgaradka aada deegaanada Al-Shabaab ay ku sugan yihiin.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale waxaa uu xusay in dhawaan ay Shabaab ka saari doonaan deegaanada qaar ee ka tirsan Gobalka Hiiraan.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan ayaa waxaa uu tilmaamay in ay wax ka qaban doonaan isku dhacyada mararka qaar ciidanka ku dhexmara Gudaha Magaalada Baladweyne ee Gobalkaasi.

Hadalkan ayaa Gudoomiyaha waxaa uu ka sheegay kadib markii maanta uu ka qeyb galay munaasabad uu xilka kula wareegayo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.