Duqeyn lagu dilay xubno Shabaab ah Duleedka Muqdisho
War qoraal ah oo soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Africa oo marka magacooda lasoo gaabiya la yiraahdo ama loo yaqaano Africom ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen Diyaaradaha Mareykanka lagu dilay xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab.
Howlgalka ayaa waxaa si wadajir ah u qaaday Ciidamada Xoogga iyo kuwa mareykanka ,waxaa uuna ka dhacay meel 40-KM dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan magaalada Caasimada ah Ee Muqdisho.
Duqeynta ayaa waxaa lagu dilay 3 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab, Laakin Taliska ma aysan sheegin Magaca deegaanka ay duqeynta ka geysteen.
“Howlgal dhanka cirka ah ciidamadeena oo kaashanaya ciidanka Soomaaliya ay fuliyeen ayaa lagu dilay Saddex ka tirsan Dagaalamayaasha Al Shabaab, hawlgalka wuxuu ka dhacay degaan qiyaas ahaant 40-KM dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya”. ayaa lagu yiri war-saxafadeedka ka soo baxay Taliska Mareykanka Ee Africa oo loo yaqaano Africom.
Warka kasoo baxay Taliska Mareykan ee Africom ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in iyaga oo kaashanaya AMISOM iyo dowladda federaalka ah ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-Shabaab oo ay si wadajir ay u fulinayaan.
Ciidamada Mareykanka ayaa waxaa ay dhowr jeer duqeymo ay ka fuliyeen deegaano ka tiran gobalada dalka oo ay ku sugyihiin Dagaalamayaasha Al-Shabaab, iyagoona sheega in duqeynahaasi ay ku dilaan Al-shabaab.